HomeWararAxmed Madoobe “DFS ka dhahdo G/Gedo waanu la wareegnay haddii kale Ciidankeeda...

Axmed Madoobe “DFS ka dhahdo G/Gedo waanu la wareegnay haddii kale Ciidankeeda ha la baxdo”

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa Maanta aalada ZOOM-ka uga qeyb galay shirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka uga socda Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashada Soomaaliya iyo Khilaafka Cusub ee soo kala dhex-galay dowladda iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa Maanta aalada ZOOM-ka uga qeyb galay shirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka uga socda Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashada Soomaaliya iyo Khilaafka Cusub ee soo kala dhex-galay dowladda iyo Jubbaland ee Gobolka Gedo.

- Advertisement -

Waxaa uu Madaxweynaha Jubbaland ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya inay Ciidankeeda ay kala baxdo Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya oo markii horey dowladda halkaas ku daabushay Ciidamo badan oo ka tirsan Booliska ee Haramcad.

Isaga oo sii hadlaayay Axmed Madoobe ayuu sheegay in Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay Gedo uga dhici karto oo kaliya markii dowladda ay maamulka Gobolkaas gacanta kusoo geliso Jubbaland.

“Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso, haddii kale qoraal soo saarna waanu la wareegnay dhaha Gedo, idinkoo sababeynaya” ayuu yiri Axmed Madoobe.

- Advertisement -

Hadalkaan Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo Maanta Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in Ciidankeeda ay Gobolk Gedo kala baxdo, si ay uga dhacdo Doorashada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts