HomeWararWeerar Ciidamo lagu dilay oo ka dhacay degmo ka tirsan Sh/Hoose

Weerar Ciidamo lagu dilay oo ka dhacay degmo ka tirsan Sh/Hoose

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Al-shabaab ay saacadihii lasoo ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka kadib ayaa waxaa meel ku dhow Saldhiga Ciidanka dowladda ee degmada Awdheegle ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kaasi oo socday […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Al-shabaab ay saacadihii lasoo ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa meel ku dhow Saldhiga Ciidanka dowladda ee degmada Awdheegle ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kaasi oo socday muddo kooban.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay oo la sheegay inuu soo kala gaaray labada dhinac, waxaana ka hadlay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ugu yaraan 5 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa lagu dilay weerarkii ka dhacay Saldhiga Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo Shabaabka ku sheegeen inay ahaayeen ciidamada dowladda ee lagu tababaray Saldhiga Turkiga ee Muqdisho.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa weli ka hadlin dagaalka iyo weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose, iyadoo xusid mudan tahay dhowr mar sidaan oo kale labada dhinac ay dagaalo ugu dhexmareen deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories