HomeWararSomaliland oo xukun ku riday Rag kufsi ka geystay Magaalada Hargeysa

Somaliland oo xukun ku riday Rag kufsi ka geystay Magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Maxkamadda Racfaanka ah ee Gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa maanta markale go’aan kasoo saartay kiiska Cawo Xariir Raage oo ah Gabadh 14jir ah oo lagu kufsaday gudaha xarunta agoomaha ee Hargeysa. Maxkamadda Maroodijeex ayaa 7 nin oo lagu eedeeyay kiiska kufsiga ah ee  Cawo Xariir laba kamid ah lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah, […]

- Advertisement -

Maxkamadda Racfaanka ah ee Gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa maanta markale go’aan kasoo saartay kiiska Cawo Xariir Raage oo ah Gabadh 14jir ah oo lagu kufsaday gudaha xarunta agoomaha ee Hargeysa.

Maxkamadda Maroodijeex ayaa 7 nin oo lagu eedeeyay kiiska kufsiga ah ee  Cawo Xariir laba kamid ah lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah, halka 5ta kale lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah.

- Advertisement -

Eedaysanayaasha kiiska Gabadha ayaa horey loogu xukumay 2 kamid ah saddex sano oo xabsi ah, halka 5ta kale lagu xukumay 6 bilood oo xabsi dibadjoog ah, balse xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex ayaa xukunnadaas racfaan ka qaadatay.

Cawo Xariir Raage oo ah Gabadh 14-jir ah ayaa kamid aheyd Gabadha agoonta ah ee ku jiray Xarunta agoomaha ee Magaalada Hargeysa, hayeeshee raggaas ay kula kacay fal kufsi ah, waxaana horey deegaano ka tirsan Somaliland uga dhacay falal kufsi ah.

Somaliland ayaa maalmo kahor xukun dil toogasho  ah ku riday Nin lagu eedeeyay inuu fal isugu jiray kufsi iyo dil ka geystay Magaalada Burco, waxaana Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in xukunkaas si deg deg ah loo fulinayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories