HomeWararPuntland oo ka hadashay hakadka ku yimid shaqadii Garoonka Garoowe

Puntland oo ka hadashay hakadka ku yimid shaqadii Garoonka Garoowe

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Waxaa xalay lagu guuleystay in Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal laga qaado diyaaradda AirDjibouti oo Arbacadii lasoo dhaafay shil diyaaradeed ku gashay. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa shaacisay in diyaaradii AirDjibouti oo muddo afar maalmood dhex-taallay Garoonka laga qaaday, waxaana muddadii ay halkaas taallay diyaaradda hakad […]

- Advertisement -

Waxaa xalay lagu guuleystay in Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal laga qaado diyaaradda AirDjibouti oo Arbacadii lasoo dhaafay shil diyaaradeed ku gashay.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa shaacisay in diyaaradii AirDjibouti oo muddo afar maalmood dhex-taallay Garoonka laga qaaday, waxaana muddadii ay halkaas taallay diyaaradda hakad ku jiray shaqada Garoonka oo xirmay.

- Advertisement -

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xoosh Cali  oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in shaqadii Garoonka Gen. Maxamed Abshir ay Maanta dib u bilaabatay, isla markaana Garoonka ay diyaaradaha ku soo degi karaan.

Garoonka diyaaradaha Puntland ee Garoowe Magaalada oo leh hal dhabe ama hal run-way ay ayaa diyaaradaas ku dhacday, xili ay dooneysay in ku degto, ayna u bixi waayeen lugaha, waxaana waxyeelo ay kasoo gaartay qeybta dambe.

Ma jirin wax khasaaro nafeed oo ka dhashay diyaaradda AirDjibouti ee ku dhacday Garoonka, isla markaana waxaa saarnaa 34 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale, iyadoona duuliyihii waday uu ku guuleystay inuu si xirfadeysan u dejiyo, waxaana markii horey ay ka timid Magaalada Hargeysa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories