HomeWararJubbaland oo Go’aan kasoo saartay G/Gedo iyo Digniina u dirtay Dowladda

Jubbaland oo Go’aan kasoo saartay G/Gedo iyo Digniina u dirtay Dowladda

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa War Goordhow kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo Arrinta Gobolka Gedo. War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa marka hore waxaa lagu sheegay in Maamulka uu diyaar u yahay dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacda, kuna saleeysan hufnaan loona dhan yahay oo […]

- Advertisement -

Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa War Goordhow kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo Arrinta Gobolka Gedo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa marka hore waxaa lagu sheegay in Maamulka uu diyaar u yahay dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacda, kuna saleeysan hufnaan loona dhan yahay oo ah xor iyo xalaal.

- Advertisement -

Jubbaland ayaa sheegtay inay qeyb weyn ka qaadatay shirarkii is-daba jooga ahaa ee looga hadlaayay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada heshiis rasmi ah uga gaareen Doorashada.

Sidoo kale Jubbaland ayaa tilmaamtay in marar badan kusoo cel-celisay War-saxaafadeedyo oo ay caddeyneyso in xad-gudubyo lagu haayo Gobolka Gedo ee ka tirsan Maamulkaas, isla markaana dowladda Federaalka geysay Ciidamo farabadan.

Jubbaland ayaa dalbatay in gacanta Maamulka lagu soo celiyo Gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka dowladda Federaalka ay kal horey halkaas ku daabushay, waxaana Maamulka uu sheegay in Ciidankaas yihiin Jabhad ka amar qaata Saraakiisha Nabadsugida dowladda.

- Advertisement -

Waxaa kaloo Jubbaland caddeeysay in Gobolkaas aan lagu qaban karin Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ilaa iyo inta laga saarayo Ciidanka markii horey halkaas lagu daabulay, kadibna gacanta loogu celiyo maamulka.

Ugu dambeyn Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ee Jubbaland ayaa uga digay Madaxda dowladda Federaalka inay iska dhago tiraan Digniinaha uga imaanaya midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, isla markaana lagu dalbanayo in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Maamulka Jubbaland.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories