HomeWararFaah faahin:-Shil dhaliyey khasaaro oo xalay ka dhacay Somaliland

Faah faahin:-Shil dhaliyey khasaaro oo xalay ka dhacay Somaliland

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wararka aan ka heleyno deegaan ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegaya in fiidnimadii hore ee xalay halkaas uu ka dhacay shil gaari. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in shilka uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca raaxada ah iyo gaari kale oo weyn, […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegaya in fiidnimadii hore ee xalay halkaas uu ka dhacay shil gaari.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in shilka uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca raaxada ah iyo gaari kale oo weyn, xili  ay socdaalayeen deegaanka Abdaal oo ku yaalla inta u dhexeeysa Berbera iyo Hargeysa.

- Advertisement -

Hal qof oo dumar ayaa ku geeriyootay shilkaas oo waday gaarigii raaxada ahaa, halka saddex kalena oo la socday ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen shilka, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujinayay in gaariga yar uu gebi ahaan burburay, isla markaana waxaa halkaas tegay dad shacab ah oo gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeelada soo gaartay.

Dhowr ah oo horey ayaa deegaano ka tirsan Somaliland waxaa uga ka dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac ah, kuwaasi oo intooda badan loo sababeeyay Darawalada oo si xawaare sare ah u wada gaadiidka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories