HomeWararDad careysan oo Banaanbax xoogan ka dhigay Magaalada Garoowe

Dad careysan oo Banaanbax xoogan ka dhigay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa saakay waxaa ka dhacay Banaanbaxyo xoogan oo looga horjeeday Sicir barar xoogan oo ka jira halkaas, sida aan wararka ku heleyno. Dadweyne badan oo u badnaa Ganacsato ayaa isugu baxay barxadda Garoowe ayaa sheegay in aad uga xun yihiin Sicir bararka maalmihii lasoo dhaafay ka jiray Magaalada iyo […]

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa saakay waxaa ka dhacay Banaanbaxyo xoogan oo looga horjeeday Sicir barar xoogan oo ka jira halkaas, sida aan wararka ku heleyno.

Dadweyne badan oo u badnaa Ganacsato ayaa isugu baxay barxadda Garoowe ayaa sheegay in aad uga xun yihiin Sicir bararka maalmihii lasoo dhaafay ka jiray Magaalada iyo Go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiirada Puntland.

- Advertisement -

Qaar kamid dadkii dhigayay banaanbaxa oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay maciishada ay sii qaaliyoobayso, isla markaana sare u kac uu ku yimid qiimaha Lacagta Shilinka Soomaaliga, waxaana Garoowe dollar ayaa lagu kala badalanayaa 40 kun Sh.

Sidoo kale dadka ayaa sheegay in Sicir bararka ka jira uu saameyn ballaaran ku yeeshay qoysaska dantayar, waxaana dadkii banaanbaxayay ee Maamulka Puntland ka dalbadeen in arrintaan ay wax ka qabato.

Garoowe Qiimaha lagu kala sarifanayo $1 dollar ayaa hoos u dhacay, waxaana sara u kacay qiimaha Lacagta Shilinka Soomaaliga, iyadoo $1 dollar lagu sarifayo 40 Kun oo Shilinka Soomaaliga, halka uu horey u ahaa 48 – 50 oo Shilinka Soomaaliga ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxaa Maanta xiran Inta badan Suuqyda waaweyn ee Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kadib markii uu kor u sii kacay sarifka doolarka, sidoo kalena Puntland ay la xadiday lacagta danabaysan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories