HomeWararDab khasaaro geystay oo ka dhacay Guri ku yaal xaafad ka tirsan...

Dab khasaaro geystay oo ka dhacay Guri ku yaal xaafad ka tirsan Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo saakay Guryo ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kaasi muddo kooban socday, isla markaana uu geystay khasaaro hantiyadeed. Dabka ayaa markii horey ka bilowday Guri ku yaalla xaafadda Jeneraal Daa’uud dhinaca degmada Yaaqshiiq, waxaana markii dambe uu kusii faafay guryo kale oo ku […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo saakay Guryo ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kaasi muddo kooban socday, isla markaana uu geystay khasaaro hantiyadeed.

Dabka ayaa markii horey ka bilowday Guri ku yaalla xaafadda Jeneraal Daa’uud dhinaca degmada Yaaqshiiq, waxaana markii dambe uu kusii faafay guryo kale oo ku dheganaa, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

- Advertisement -

Gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadiy ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu dabku ka kacay, iyadoo dadaal dheer kadib lagu guuleystay in la demiyo dabkaas, waxaana gurmadka ka qeyb qaatay dadka deegaanka.

Qaar kamid dadkii goobjooga ahaa markii uu dabka bilaabanayay oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dabkaas uu geystay khasaaro hantiyaadeed, isla markaana uu baabi’iyay saddex Guri oo ka dhisnaa Jiingado.

Dabkaas ayaa waxaa uu ka dhashay koronto ku jirtay Guriga markii uu horey uu ka kacay dabka, waxaana dabkaas uu kusoo aadayaa, iyadoo gelinkii dambe ee shalay Guri kale oo ku yaalla degmada Yaaqshiid uu ka kacay dab geystya khasaaro hantiyadeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories