HomeWararCiidamo ka kala tirsan Itoobiya iyo Tigree-ga oo ku dagaalamay Hiiraan

Ciidamo ka kala tirsan Itoobiya iyo Tigree-ga oo ku dagaalamay Hiiraan

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan AMSIOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya ee ku sugan halkaas.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay, kadib markii Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwo Tigree-ga la isku dayay in hub ka dhigis lagu sameeyo, kuwaasi oo iskula sugan Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Halgan.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in Saraakiisha Tigree-ga ay iska diideen tallaabadii lagu doonayay in Ciidanka Itoobiya uga dhigaan hubka, sidaasina uu ku bilowday dagaalka oo socday muddo lana maqlay dhawaaqa rasaas xoogan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidamada Itoobiya ee uu dagaalka dhexmaray ayaa weli isku hor-fadhiya meel ku dhow Saldhiga Ciidankaas ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas dhacay, waxaana adeg in xog laga helo khasaaraha, maadaama Itoobiya aysan ogoleyn in dadka deegaanka iyo xubno kalena ay goobta ka agdhawaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories