HomeWararCiidamo ka bilaabay Magaalada Gaalkacyo Howlgal qorsheysan

Ciidamo ka bilaabay Magaalada Gaalkacyo Howlgal qorsheysan

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxaa ay ka bilaabeen maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen falal amni darro. Howlgalka oo inta badan ay ciidamada ka samaynayeen wadooyinka ayaa waxaa ay baaritaanno ku samaynayaan gaadiidka isticmaala wadooyinka Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Wararka ayaa […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxaa ay ka bilaabeen maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen falal amni darro.

Howlgalka oo inta badan ay ciidamada ka samaynayeen wadooyinka ayaa waxaa ay baaritaanno ku samaynayaan gaadiidka isticmaala wadooyinka Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

- Advertisement -

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in ciidamada ay Muraayadaha Madow ee loo yaqaano Bersolka ay fiiqayaan gaadiidka yar yar ee isticmaala wadooyinka Gaalkacyo, iyaga oo uga baaqayay inay gawaaridooda u isticmaalin Muraayadaha Madow ee Bersolka.

Muddo hadda laga joogo laba bilood ayaa waxaa Muraayadaha Madow laga fiiqay dhamaan gawaarida = Gaalkacyo, kaddib amar kasoo baxay maamulka gobolka Mudug oo kaashanaya laamaha amniga gobolka.

Saraakiisha laamaha amniga & maamulka Magaalada Gaalkacyo ayaa dhowr jeer waxaa ay amarro ka soo saareen gawaarida leh muraayadaha madow, sidoo kale ay amar ku bixiyeen in la fuliyo howlgallo gawaarida looga fiiqayo muraayadaha madoow ee Bersolka

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories