HomeWararXildhibaanadii xasaanada laga qaaday ee Puntland oo Go’aan adeg qaatay

Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday ee Puntland oo Go’aan adeg qaatay

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Xildhibaanadii ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Puntland ee xasaanada laga qaaday khamiistii lasoo dhaafay ayaa kasoo horjeeystay Go’aankii Xildhibaanada Puntland ay xilka uga qaadeen. Xildhibaanadaas oo gaaayay ilaa iyo 8 Mudane oo xalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabkii xasaanada looga qaaday, iyagoona sheegay tallaabadaas loo maray aan waafaqsaneyn Dastuurka, isla […]

- Advertisement -

Xildhibaanadii ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Puntland ee xasaanada laga qaaday khamiistii lasoo dhaafay ayaa kasoo horjeeystay Go’aankii Xildhibaanada Puntland ay xilka uga qaadeen.

Xildhibaanadaas oo gaaayay ilaa iyo 8 Mudane oo xalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabkii xasaanada looga qaaday, iyagoona sheegay tallaabadaas loo maray aan waafaqsaneyn Dastuurka, isla markaana ku dhawaaqay Go’aan adeg.

- Advertisement -

Xubnaha ayaa gebi ahaan beeniyay eedeymo kala duwan oo loo jeediyay kuna aadan xilka qaadistoodii, waxaana ay sheegeen in aysan aqbali doonin Go’aankii laga qaatay khamiistii lasoo dhaafay, ayna Xildhibaano yihiin.

Sidoo kale Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday ayaa sheegay in danno siyaasadeed laga lahaa xilka qaadistooda, iyagoona arrintaas ku eedeeyay inay soo abaabushay Xukuumadda Madaxweye Saciid Deni, waxaana ay xuseen in weli xasaanad leeyihiin.

Ugu dambeyn Shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ayey ugu baaqeen inay ilaaliyaan midnimada dowlad Goboleedka Puntland iyo amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro iyo fowdo.

- Advertisement -

Baarlamaanka Puntland ayaa xasaanadii ka qaaday 8 Xildhibaan, kuwaasi  oo kala ah  Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac Surato, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin  iyo C/raxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore).

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories