HomeWararMusharaxiinta oo walaac ka muujiyay qorshe ay wado Dowladda Federaalka

Musharaxiinta oo walaac ka muujiyay qorshe ay wado Dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Golaha Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa War kasoo saaray tallaabooyin Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku bixiso ruqsadaha Baarista Shidaalka dalka. Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa walaac looga muujiyay isku dayga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku bixineyso ruqsadaha baarista Shidaalka, iyagooo ku tilmaamay tallaabadaas boob hanti qaran, xili […]

- Advertisement -

Golaha Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa War kasoo saaray tallaabooyin Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku bixiso ruqsadaha Baarista Shidaalka dalka.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa walaac looga muujiyay isku dayga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku bixineyso ruqsadaha baarista Shidaalka, iyagooo ku tilmaamay tallaabadaas boob hanti qaran, xili lagu jiro marxalad Doorasho oo kala guur ah.

- Advertisement -

Musharaxiinta ayaa sheegay in tallaabadan ay lid ku tahay nidaamka dowlad-wanaagga iyo Mas’uuliyada Qarannimo, iyadoo sidoo kalena dhaawaceysa dadaalkii iyo heshiiskii geedi socodka deyn Cafinta dowladda Somalia kula jirto Hay’adda lacgata Adduunka.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka waantoobo ku takrifalka musuq-maasuqa hantida Qaranka, isla markaana si deg deg ah u joojiyo ruqsad bixinta baarista Shidaalka dalka.

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Batroolka Xukuumadd Federaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga, iyadoo bilaabayo bixinta ruqsadaha shidaal baarista goobaha horay looga cayimay deegaanada Galmudug.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Musharaxiinta Madaxweynaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories