HomeWararMidowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo ku dhawaaqay Guddi Doorasho

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo ku dhawaaqay Guddi Doorasho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa weli Magaalada Muqdisho uga socda wejiga labaad ee shirar looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah. Afhayeenka Midawga Musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankii Maanta ee Musharaxiinta  Madaxweynaha looga hadlay xaaladda dalka, amniga iyo Arrimaha […]

- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa weli Magaalada Muqdisho uga socda wejiga labaad ee shirar looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah.

Afhayeenka Midawga Musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankii Maanta ee Musharaxiinta  Madaxweynaha looga hadlay xaaladda dalka, amniga iyo Arrimaha doorashooyinka 2020/2021.

- Advertisement -

Amniga dalka ayuu Afhayeenka sheegay inuu marayo meel halis ah oo ay dhaceen Qaraxyo, khatarna ay jirto, wuxuuna sheegay in xiligaan amniga uu sii gayo marxalad kale, maadaama Mareykanka uu shaaciyay in Ciidankiisa uu Somalia kala baxayo.

Sidoo kale Afhayeen Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in kulankii Musharaxiinta ay yeesheen lagu magacaabay Guddiga Badbaadinta ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo ku dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta.

Xubnaha Guddiga Badbaadinta ee Doorashooyinka ayaa ka kooban 28-xubnood, isla markaana ay ka shaqeyn doona sidii dalka Soomaaliya uga dhici laheyd Doorasho xor iyo xalaal ah, xili Musharaxiinta ay horey u sheegeen inay magacaabi doonaan Guddi.

- Advertisement -

Magacaabista Guddigaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Maanta Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay ee heer Federaal doorteen Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa, xili Musharaxiinta ay ku tilmaameen Guddigaas inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories