HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir ay yeesheen Midowga Afrika

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir ay yeesheen Midowga Afrika

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 13-aad ee aan caadiga ahayn ee Shirka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay fursadda dalka ee hoggaaminta ganacsiga iyo waxsoosaarka Afrika. Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay Khadka Internetka ayaa tilmaamay in tallaabo wanaagsan loo qaaday xaqiijinta hiigsiga Afrika ee mideynta ganacsiga iyo iskaashiga […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 13-aad ee aan caadiga ahayn ee Shirka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay fursadda dalka ee hoggaaminta ganacsiga iyo waxsoosaarka Afrika.

Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay Khadka Internetka ayaa tilmaamay in tallaabo wanaagsan loo qaaday xaqiijinta hiigsiga Afrika ee mideynta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale, taas oo xoojinaysa nabadgelyada, xasilloonida iyo mustaqbalka Afrika.

- Advertisement -

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka qalinka ku duugay hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaa ka go’an in ay ka faa’iideysato hal-abuurka ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadkeenna Soomaaliyeed oo ay weheliso booska istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa boggaadiyay dadaallada madaxda Qaaradda Afrika ay ku bixinayaan ka miro dhalinta qorshaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika, waxa uuna muujiyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta qorshaha ganacsiga xorta ah.

“Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika waxa uu noqon doonaa fursadda ugu weyn ganacsiga xorta ah ee adduunka, iyadoo la heli doono suuq ka kooban 1.3 bilyan oo qof iyo fursado dhaqaale oo faa’iido leh”.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Niger Mahamadou Issoufo oo hoggaaminaya ololaha hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika oo Soomaaliya ay door muuqda ka qaadanayso.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories