HomeWararKulankii Maanta ee Baarlamaanka Puntland oo baaqday iyo sababta keentay

Kulankii Maanta ee Baarlamaanka Puntland oo baaqday iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta sabti ah lagu waday in kulan ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, hayeeshee waxaa uu u baaqday. Sababta keentay inuu baaqdo kulankaas ayaa waxaa lagu sheegay kooram la’aan, kadib markii Fadhiga ay soo xaari waayeen inta badan Xildhibaanada Maamulkaas oo xalay loo diray fariimo wargelin […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta sabti ah lagu waday in kulan ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, hayeeshee waxaa uu u baaqday.

Sababta keentay inuu baaqdo kulankaas ayaa waxaa lagu sheegay kooram la’aan, kadib markii Fadhiga ay soo xaari waayeen inta badan Xildhibaanada Maamulkaas oo xalay loo diray fariimo wargelin kuna aadan kulanka.

- Advertisement -

Ajendaha kulankii Maanta baaqday ee Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa uu ahaa Mooshin ka dhan ah Madaxda Guddiyada Baarlamankaaas, iyadoo la doonayo in isbeddel lagu sameeyo.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey markii Xildhibaanada Puntland ay xasaanada ka qaadeen 8 Xildhibaan oo ka tirsnaa Maamulkaas, kuwaasi oo loo jeediyay eedeymo kala duwan, ugu dambeyntiina xilka qaadis lagu sameeyay.

Xubnaha xasaanada laga qaaday oo warbaahinta xalay la hadlay ayaa kasoo horjeeystay tallaabadii xasaanada looga qaaday, iyagoona sheegay in weli ay yihiin Xildhibaano, isla markaana si sharci darro loo maray xilka qaadistooda.

- Advertisement -

Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday ayaa kala ah Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac Surato, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin  iyo C/raxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore).

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories