HomeWararGolaha Wasiirada Somaliland oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2021

Golaha Wasiirada Somaliland oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2021

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Maanta shir aan caadi ahayn ku yeeshay Magaalada Hargeysa, kaasi oo ay shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici. Kulanka ayaa waxaa dood iyo falan-qayn dheer ka dib Golaha Wasiirada ku ansixiyeen Miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay Golaha, miisaaniyadan oo ka kooban […]

- Advertisement -

Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Maanta shir aan caadi ahayn ku yeeshay Magaalada Hargeysa, kaasi oo ay shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici.

Kulanka ayaa waxaa dood iyo falan-qayn dheer ka dib Golaha Wasiirada ku ansixiyeen Miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay Golaha, miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:

- Advertisement -

Cadadka oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021 wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka Maamulka ka badan tahay tii hore ee 2020, 2.7% halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%,  waxaanay mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021-ku:

1-Amniga

2-Caddaaladda

- Advertisement -

3-Caafimaadka

4-Waxbarashada

5-Wax-soo saarka

6-Deegaanka

7-Tamarta

8-Maamul wanaaga

9-Doorashooyinka

10-Ictiraafka

“Miisaaniyad sannadeedka 2021-ka waxay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee Maamulka, barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo habka maamulka maaliyada ee PFM, waana miisaaniyaddii soddonaad (30) ee uu yeelato, Somaliland, waxana loo gudbin doonaa Golaha wakiillada Somaliland si ay u ansixiyaan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories