HomeWararGen. Mukhtaar Afrax oo fariin u diray Ciidamo ku sugan Baladweyne

Gen. Mukhtaar Afrax oo fariin u diray Ciidamo ku sugan Baladweyne

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka arrimaha gudaha, dib u-hishiisinta iyo Federaalka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiran kullan  kula yeeshay Saraakiisha ciidanka qalabka sida ah gaar ahaan hogaanka ciidanka xoogga dalka qeybta 5-aad iyo hogaanka ciidanka booliska gobolka Hiiran. Generaal Mukhtaar Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa ku dhiirigaliyay […]

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha gudaha, dib u-hishiisinta iyo Federaalka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiran kullan  kula yeeshay Saraakiisha ciidanka qalabka sida ah gaar ahaan hogaanka ciidanka xoogga dalka qeybta 5-aad iyo hogaanka ciidanka booliska gobolka Hiiran.

Generaal Mukhtaar Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa ku dhiirigaliyay ciidamada doorka xooggan oo ay ka qaateen nabad-galyada iyo la dagaalanka Al-shabaab.

- Advertisement -

“Waxaan Bogaadinayaa doorka aad ka qaadateen nabad-galyada magaalada oo aan ogtahay xaaladii ay ku sugneed dhinaca amniga marka loo eego deggenaanshaha ka jiran magaalada, waxaana amray in loo turo shacabka iyadoo lagu shaqeynayo hanaanka dowladnimada” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Arfax.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo soo dhoweeyay wasiirka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay waxbadan ka qaateen amaanka magaalada hase ahaatee xilliga kala guurka uu sameeyn ku yeeshay balse sidoo kale ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dowladda dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda oo shalay kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Baladweyne ayaa ka dalbaday in la joojiyo banaanbaxyada ka dhacaya Magaalada, isla markaana tabashooyinka jira lagu dhameeyo wada-hadal.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories