HomeWararGaroonka diyaaradaha Garoowe oo maalintii 4-aad xiran iyo sababta keentay

Garoonka diyaaradaha Garoowe oo maalintii 4-aad xiran iyo sababta keentay

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Waxaa maalintii afaraad oo xiriir ah gebi ahaan xiran Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, iyadoo aysan jirin wax shaqo oo halkaas ka socota. Sababta uu shaqeyn la’yahay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa waxaa ay tahay, kadib markii Arbacadii lasoo dhaafay uu Garoonka ka dhacay shil diyaaradeed oo […]

- Advertisement -

Waxaa maalintii afaraad oo xiriir ah gebi ahaan xiran Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, iyadoo aysan jirin wax shaqo oo halkaas ka socota.

Sababta uu shaqeyn la’yahay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa waxaa ay tahay, kadib markii Arbacadii lasoo dhaafay uu Garoonka ka dhacay shil diyaaradeed oo ay gashay diyaaradda AirDjibouti.

- Advertisement -

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradda oo ku dhacday dhabaha ay Cagadhigtaan diyaaradaha ee Garoonka Garoowe ay taallo diyaaradda AirDjibouti, isla markaana aan halkaas laga qaadin, sidaasina loo xiray Garoonka oo aysan wax duulimaadyo oo ka jira.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Garoonka diyaaradaha Puntland ee Garoowe oo leh hal dhabe ama hal run-way ay dhex-taalo diyaaradii ku dhacday, xili ay dooneysay in ku degto, ayna u bixi waayeen lugaha, waxaana waxyeelo ay kasoo gaartay qeybta dambe.

Ma jirin wax khasaaro nafeed oo ka dhashay diyaaradda AirDjiboutil ee ku dhacday Garoonka Gen. Maxamed Abshir, isla markaana waxaa saarnaa 34 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale, iyadoona duuliyihii waday uu ku guuleystay inuu si xirfadeysan u dejiyo, waxaana markii horey ay ka timid Magaalada Hargeysa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories