HomeWararGanacsato iyo dad kale oo Cabasho u gudbiyey Guddoomiyaha G/Banaadir

Ganacsato iyo dad kale oo Cabasho u gudbiyey Guddoomiyaha G/Banaadir

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Ganacsatada iyo dadka deegaanka Laanta Xaawo Taako ee Degmada Howlwadaag. Guddoomiye Cumar Finish ayaa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo dadka deegaanka Laanta Xaawo Taako inta uu kulanka socday ka dhageystay tabashooyin kala duwan oo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Ganacsatada iyo dadka deegaanka Laanta Xaawo Taako ee Degmada Howlwadaag.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo dadka deegaanka Laanta Xaawo Taako inta uu kulanka socday ka dhageystay tabashooyin kala duwan oo ay ka qabaan Biyaha Fariista Iskuulka Xamar-Jadiid, xili uu roobku ka da’o Caasimadda.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka ayaa Ganacsatada iyo dadkii uu kulan la qaatay u sheegay in Maamulka Gobolka uu ka jawaabi doono cabashooyinka ay dadkaas ka qabaan biyo fariisidka xaafadda Xamar-Jadiid.

Cumar Finish ayaa maalmo kahor kormeer ku tegay Bulaacadda dhismaheedu ka socda dhabarka dambe ee Iskuulka 21-ka Octoobar, taasoo Dhismaheedu gebagebo marayo, isagoo sidoo kale kormeeray warta KM4 iyo laamiga Burbursan ee Warshada Caanaha.

Kulanka waxa Goobjoog ka ahaa Guddomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka iyo Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag iyo xubno kale.

- Advertisement -

Bishii lasoo roobab xoogan oo ka da’ay Caasimadda ayaa samameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka dhowr oo ku yaalla Muqdisho oo ay xireen biyo, wallow markii dadaad dheer, kadib lagu guuleystay in la nadiifiyo, iyadoona qaar kamid waddooyinka ay burbureen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories