HomeWararDuqii hore ee Muqdisho oo War kasoo saaray xaaladda Hirshabeelle

Duqii hore ee Muqdisho oo War kasoo saaray xaaladda Hirshabeelle

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dowlad Goboleedka Hirshabeelle, xili ay jiraan tabashooyin ka dhshay Doorashadii ka dhacay Magaalada Jowhar. Tabid Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay Bulshada ku dhaqan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad dhul iyo […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dowlad Goboleedka Hirshabeelle, xili ay jiraan tabashooyin ka dhshay Doorashadii ka dhacay Magaalada Jowhar.

Tabid Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay Bulshada ku dhaqan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad dhul iyo danno waddaag ah, isla markaana ay ku hungoobi doonto cid kasto oo isku deyda inay danno siyaasadeed u kala qeybiso.

- Advertisement -

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa sheegay in Isfahamka siyaassadeedkii ee lagu dhisay dowlad Goboleedka Hirshabeelle uu udub-dhexaad u yahay wadajirka dadka degan Goboladaas, taasina ay muhiim tahay in la dhowro.

Siyaassiyiinta, ganacsatada iyo Odayaasha dhaqanka Hirshabelle ayuu Taabid ugu baaqay in ay xil iska saaraan xallinta tabashooyinka jira iyo samata bixinta Maamulka, xili uu socdo qorshe lagu xalinayo tabashooyinka ka dhashay Doorashadii Jowhar.

Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Banaanbaxyo looga soo horjeedo Hirshabeelle iyo Cali Guudlaawe ay ka dhaceen Magaalada Baladweyne, sidoo kalena uu dhacay dagaal khasaaro geystay.

- Advertisement -

Hoos Akhriso Qoraalka uu soo saaray Duqii hore ee Muqdisho.

Soomaaliya waxaa ragaadiyay in masiirka dad, deggaan iyo qaran daab looga dhigo mid qofeed. Waxaa nasiib darro ah in aragtidaa marnaba laga korin oo qaladkii shalay mid ka daran la falkinayo, sixid warkeedaba daa.

Bulshada ku nool Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe waa dad dhul iyo dhalyo waddaag ah, waana hubaal in ay ku hungoobi doontaa cid kasto oo isku deyda iney ku kala irdheyso damac siyaassadeed ku dhisan qeybi oo xukun, waxaana mas’uuliyaddeeda qaadaya hoggaanka maanta jooga.

Isfaham siyaassadeedkii lagu dhisay DG Hirshabelle wuxuu ahaa udub-dhexaadka wadajirka HirShabelle, mudanna in la dhowro. Haddaba, waa in dhalanteedka laga baxo oo dhaliisha jirta la dhayo, dadkana la isku soo dumo.

Waxaan ugu baaqayaa siyaassiyiinta ganacsatada, dhaqanka iyo indheer-garadka reer HirShabelle in ay xil iska saaraan xallinta tabashooyinka jira iyo samata bixinta Dowlad Goballeedka HirShabelle.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories