HomeWararDigniin laga soo saaray Ayax hor leh oo ku wajahan Gobolada Somalia

Digniin laga soo saaray Ayax hor leh oo ku wajahan Gobolada Somalia

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cunada iyo beeraha qaabilsan FAO ayaa ka digeysa Ayax hor leh oo ku wajahan bartamaha soomaaliya oo horay ayaxu saameyn lixaad leh ugu hayay. Dhasha ayaxa ee koronkorada ayaa laga bilaabo isbuucan is uruursan doonta waxayna aad uu sii kordheysa inta bishaan December ka dhiman ilaa bisha Janaayo ee sanadka 2021 […]

- Advertisement -

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cunada iyo beeraha qaabilsan FAO ayaa ka digeysa Ayax hor leh oo ku wajahan bartamaha soomaaliya oo horay ayaxu saameyn lixaad leh ugu hayay.

Dhasha ayaxa ee koronkorada ayaa laga bilaabo isbuucan is uruursan doonta waxayna aad uu sii kordheysa inta bishaan December ka dhiman ilaa bisha Janaayo ee sanadka 2021 sida FAO ay tilmaantay.

- Advertisement -

Laga bilaabo bartamaha December ayax dhalaan ah oo xoog badan kaas oo ka yimi dhanka koonfur bari itoobiya ayaa la saadaalinayaa in uu ku dago gobolada koonfurta Soomaaliya.

Qeybo ka mid ah gobalada waqooyi Barri Soomaaliya waxaa iminka ku sugan ayaxa waaweyn oo bilaabay in uu ugxaan dhigo taas oo saameyn kale yeelan karta.

Puntland iyo Galmudug ayaa ka mid ah meelaha ugu daran Soomaaliya ee uu Ayaxu aafeeya, waxaana xusid mudan in Ayax uu baabi’iyay dalagyo sanadkaan bareeray, iyadoona dowladda  Soomaaliya ay Gobolada ka bilowday buufinta Ayaxa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories