HomeWararDib u dhac ku yimid Shirkii Maanta ay yeelan lahaayeen Golaha Wasiirada

Dib u dhac ku yimid Shirkii Maanta ay yeelan lahaayeen Golaha Wasiirada

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya inuu mar labaad dib u dhac uu ku yimid Shirkii aan caadi aheyn oo Maanta ay yeelan lahaayeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirkaan ayaa la doonayay in looga arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya […]

- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya inuu mar labaad dib u dhac uu ku yimid Shirkii aan caadi aheyn oo Maanta ay yeelan lahaayeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la doonayay in looga arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/21, kuwaasi oo horey heshiis rasmi ah looga gaaray.

- Advertisement -

Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha Wasiirada Xukuumadda ku wargeliyay inuu baaqday kulankii Maanta oo sabti ah ay yeelan lahaayeen xubnaha Golaha Wasiirada.

Sidoo kale Shirka baaqday ayaa intiisa badan looga hadli lahaa xaaladda Maamulka Jubbaland iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka, waxaana wararka qaarkood ay sheegayeen in Xukuumadda ay Go’aan kasoo saari rabto Jubbaland.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayay in kulankii Maanta baaqday ay yeeshaan khamiistii lasoo dhaafay, hayeeshee mar kale ayaa Golaha Wasiirada lagu wargeliyay in kulankii Maanta oo sabti ah loo balansanaa uu baaqday.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in deegaanada maamulkiisa aysan ka dhici doonin Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ilaa iyo inta Maamulkiisa gacanta loogu soo celinayo Gobolka Gedo, isla markaana laga saaro Ciidanka  ay halkaas kal horey geeysay dowladda Federaalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories