HomeWararBarnaamij Soo Saare ka tirsanaa Idaacadda Arrimaha Bani’aadanimada oo noqday Guddoomiyaha Guddiga...

Barnaamij Soo Saare ka tirsanaa Idaacadda Arrimaha Bani’aadanimada oo noqday Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Guddiga Doorashooyinka oo ay magacaabay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti Magaalada Muqdisho ku doortay Guddoomiyeyaal, kadib kulan ay yeesheen. Guddigaan oo ah kuwo lagu muran yahay ayaa Guddoomiye u doortay inuu noqdo Maxamed Xasan Cirro oo helay 17 Cod, waxaana xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed kula tartamay Musharax Liibaan Abuukar. Musharax […]

- Advertisement -

Guddiga Doorashooyinka oo ay magacaabay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti Magaalada Muqdisho ku doortay Guddoomiyeyaal, kadib kulan ay yeesheen.

Guddigaan oo ah kuwo lagu muran yahay ayaa Guddoomiye u doortay inuu noqdo Maxamed Xasan Cirro oo helay 17 Cod, waxaana xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed kula tartamay Musharax Liibaan Abuukar.

- Advertisement -

Musharax Liibaan ayaa helay Codad gaaraya ilaa iyo 3 Cod, waxaana coddeeyay 20 xubnood oo kamid ah Guddiyada Doorashooyinka ee uu kal horey magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale Guddiyada Doorashooyinka ayaa Mowliid Mataan u doortay inuu noqdo ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana waxaa xilkaas kula tartamay Musharax Yuusuf Maxamed Kheyre.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddigaan oo ku xareysan Hotel ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoona lagu tilmaamay inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA.

- Advertisement -

Si kastaba Doorashada Guddoomiyaha Guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta Khilaafaadka ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Dowladda Federaalka wax Jawaab ah ka bixin baaqyadii horey ee Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee ku aadan in Isbedel lagu sameeyo Guddiyada.

Guddoomiyaha Cusub Guddiga doorashooyinka Qaranka Maxamed Xasan Cirro ayaa mar Barnaamij soo saaree kasoo noqday Idaacadda ka hadasha Arrimaha Bani’aadannimada ee Ergo Xarunteeda Magaalada Nairobi, isagoona muddo shan ah ka shaqeynayay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories