HomeWararAxmed Daaci oo u digay Madaxda dowladda Federaalka

Axmed Daaci oo u digay Madaxda dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay xaaladda Gobolka Hiiraan gaar ahaan banaanbaxyadii rabshadaha watay oo maalmihii lasoo ka dhacayay Magaaladaas. Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa banaanbixii looga horjeeday Hirshabeelle ee ka dhacay Baladweyne ku eedeeyay inay soo abaabuleen siyaasiyiin leh danno gaar ah, wuxuuna sheegay in xiligaan arrintaas aan […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay xaaladda Gobolka Hiiraan gaar ahaan banaanbaxyadii rabshadaha watay oo maalmihii lasoo ka dhacayay Magaaladaas.

Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa banaanbixii looga horjeeday Hirshabeelle ee ka dhacay Baladweyne ku eedeeyay inay soo abaabuleen siyaasiyiin leh danno gaar ah, wuxuuna sheegay in xiligaan arrintaas aan loo baahneyn.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Axmed Daaci in mas’uuliyiin kasoo jeeda Hiiraan ay xilal kala duwan horey uga soo qabteen Hirshabeelle, isla markaana xiligaan ay ka hayaan xilal, hayeeshee dadka degan Baladweyne aan looga baahneyn inay kaasoo horjeeystan Maamulka Cusub.

Isaga oo hadlaayay Guddoomiyihii hore Wadajir ayuu u Jawaabay Wasiirkii hore Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, wuxuuna ku eedeeyay inuu u gafay Madaxweyne Cali Guudlaawe, isaga oo ku baaqay in dadka aan la kicin.

“Goodax ku fogaan maayo laakiin markuu xil haayo dalka iyo dadka wuxuu u arkaa inay barwaaqo ku jiraan markii xilka laga qaadana dalku nabad kama jirtoo waa Balaayeysanyahay ayuu leeyahay,Maahan in ummadda la kiciyo” ayuu yiri Axmed Daaci.

- Advertisement -

Sidoo kale Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay inay wax ka qabato Arrin uu sheegay in laga hurinayo Jubbaland gaar ahaan Kismaayo iyo tan ka taagan Hirshabeelle.

Madaxda dowladda ayuu uga digay in hadii Arrimaha labada maamul wax ka qaban waayaan ay soo bixi doonto eedii Mucaaradka u jeediyeen Madaxda oo ahayd inay wax boobayaan, waa sida uu hadalka

“Arinta Kismaayo laga hurinaayo iyo arinta Hirshabeelle ka socota haddaysan aragti lagu qancikaro ka qaban sidii Mucaaradku sheegayey oo ahayd inay wax boobeyso bay ku saleysmee” ayuu yiri Axmed Daaci.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories