HomeWararAkhriso:-Waa sidee Maanta xaaladda Magaalada Baladweyne?

Akhriso:-Waa sidee Maanta xaaladda Magaalada Baladweyne?

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa Maanta oo sabti ah degan xaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii shalay ay ka dhaceen dagaal muddo kooban socday iyo Banaanbaxyo rabshado watay oo hareeyay gudaha Magaalada. Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in saakay  xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana ay furan […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo sabti ah degan xaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii shalay ay ka dhaceen dagaal muddo kooban socday iyo Banaanbaxyo rabshado watay oo hareeyay gudaha Magaalada.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in saakay  xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana ay furan yihiin goobaha Ganacsiga iyo waddooyinka waaweyn ee Magaalada oo xirnaa.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa furan Xarumaha Waxbarashada ee ku yaalla gudaha Baladweyne, iyadoo dadku ay ku jiraan Jawi ka duwan midkii shalay, xili halkaas ay saacadihii lasoo dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo looga horjeeday Maamulka Hirshabeelle.

Gelinkii dambe ee shalay, Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax  ayaa kulan gaar la qaatay qaar kamid Odayaasha dhaqanka Baladweyne, isagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka dhashay doorashadii Jowhar.

Odayaasha iyo Wasiir Mukhtaar ayaa ku heshiiyay in xal buuxa laga gaaro tabashooyinka ay dhismaha Maamulka Hirshabeelle iyo Doorashada ka qabaan dadka degan Baladweyen, wuxuuna ku baaqay la joojiyo xaaladda kacsan ee halkaas ka jirta.

- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Jabhadda hubeysan ee Gen. Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa shalay ka dhacay Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaaro, waxaana intaas kadib xigay banaanbax looga horjeeday Safar uu Madaxweyne Cali Guudlaawe shalay ku doonayay inuu halkaas ku tego.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories