HomeWararWararkii ugu dambeeyay Xaaladda Baladweyne iyo socdaalkii Cali Guudlaawe oo baaqday

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Baladweyne iyo socdaalkii Cali Guudlaawe oo baaqday

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saaka ku waaberiisatay dagaal xooggan oo u dhexeeya  Ciidamada Janaraal Xuud iyo Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolkaaasi, waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaasi. Ciidamada  Jabhadda ayaa  Oroornimadii hore ee Saaka  waxaa ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo aga-gaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif. […]

- Advertisement -

Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saaka ku waaberiisatay dagaal xooggan oo u dhexeeya  Ciidamada Janaraal Xuud iyo Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolkaaasi, waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaasi.

Ciidamada  Jabhadda ayaa  Oroornimadii hore ee Saaka  waxaa ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo aga-gaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

- Advertisement -

Ciidanka Dowladda oo oo ka kooban Boolis, Nabad Sugid iyo Millatari ayaa la sheegay in ay isku dayeen in xaafadaha iyo goobaha muhiimka ah ay ka saaraan Jabhadda, balse waxaa dagaal xooggan kala hor yimid Malleyshiyaadka jabhadda oo ah ku aad u hubeysan, Magaaladana ka qabsaday goobo muhiim ah sida ay soo sheegayaan goobjoogayaal ku sugan magaalada baaldweyne.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kaal duwan, waxaana la sheegay in laba ruux ay ku dhaawacmeen , oo ruux mid ka mid ah uu yahay ciidamada Janeraal  Xuud, halka mid ka kale ee dhaawacmay uu yahay Qof shacab ah, mana jiro khasaaro kale oo lasoo wariyay, inkastoo aysan Mas’uuliyiinta Gobolka wax war ah kasoo saarin dagaalkasi iyo khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay.

Dhanka kale Bannaanbax ballaaran  ayaa ayaa ka dhacay magaalada baladweyne, waxaana uu  ahaa mid looga oo horjeeday Maamulka cusub ee Cali Guudlaawe Xuseen oo ah Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, waxaana la filayay in Madaxweynuhu  uu Maanta  gaaro Magaalada Baladweyne, balse taasi waxaa saaka si weyn kaga carooday bulshada reer Baladweyne oo la shegay in ay kasoo horjeedaan imaanshiyaha Cali Guudlaawe ee magaalada Baladweyne.

- Advertisement -

Waxaana guud ahaanba baaqday socdaalkii Cali Guudlaawe ee Gobolka Hiiraan, waxaana hadda ay xaaladda Baladweyne ay tahay Mid deggan, waxaana joogsaday Bannaanbaxii tan iyo saaka ka socday Magaalada.

Xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Hiiraan ayaa ah mid qasan, iyadoo bulshada reer Hiiraan ay si weyn kaga xumaadeen Qaabka loo dhisay maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana Magaalada ka dhacay bannnaanbaxyo looga soo horjeedo maamulka, iyadoo sidoo kale Gobolka looga dhawaaqay Jabhad hubeysan oo maamulka dagaal kula jirta.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories