HomeWararGoodax Barre oo weerar afka ah ku qaaday Cali Guudlaawe

Goodax Barre oo weerar afka ah ku qaaday Cali Guudlaawe

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wasiirkii hore waxbarashada Dowladda Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka, gaar ahan Maraxaladda dalku hadda marayo ee la xariira arrimaha doorashooyinka dalku gali rabo. Waxaana uu si qoto dheer ah kaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xubnaha Mucaaradka ah ee u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi […]

- Advertisement -

Wasiirkii hore waxbarashada Dowladda Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka, gaar ahan Maraxaladda dalku hadda marayo ee la xariira arrimaha doorashooyinka dalku gali rabo.

Waxaana uu si qoto dheer ah kaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xubnaha Mucaaradka ah ee u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu eedeymo xooggan u jeediyay, waxaa sidoo kale uu dhaliilay qaabka dowladdu wax u waddo isagoo carrabka ku dhuftay in Dowladdu ay waddo tallaabooyin u muuqda Qalalaase Siyaasadeed.

- Advertisement -

Cabdulaahi Goodax Barre oo ka hadlayay Xildhibaanada Cusub ee lasoo dhisayo ayaa sheegay in Xildhibaanada soo socdo ay noqon doonaan kuwo ay Al-Shabaab ay ku lugyeelan doonaan, waxaana uu intaas ku daray in ay soo bixi doonaan Xildhibaanno Al-shabaab ah oo lagu soo dhex-qariyo Baarlamaanka Cusub ee soo socda, waxaana taas uu u sababaeeyay in uu jiro Isku dhex-yaac baahsan iyo isku Mashquulid u dhexeysa Dowladda iyo Xubnaha mucaaradka ah.

Dhanka kale Goodax Barre Wsiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumaddi Xasan Cali kheye ayaa weerar afka ah ku qaaday Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana uu sheegay in Maamulkaasi uu yahay mid horay u fashilnaa haddana fashil kii hore ka daran lugaha la galay, Waxaana taasi uu u sababeeyay Cali Guudlaawe oo uu sheegay in uu yahay Nin Qabiil balse uusan ahayn Madaxweyne u qalma in uu Hir-Shabeelle mideeyo.

Hadalka Goodax Barre ayaa kusoo aadaya iyadoo Maamulka Cusub ee Hir-shabeelle uu la kulmayo dhaleecayn iyo sidoo kale Qalalaase isku baddalay dagaal, waxaana Gobolka Hiiraan ka socda tallaabooyin ka dhan ah Maamulka uu hoggaamiyo cali Guudlaawe Xuseen, iyadoo Bannaanbaxyo loogaga soo horjeedo Maamulka Hirshabeelle ay ka socdaan Hiiraan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories