HomeWararDagaal xooggan oo ka socda Magaalada Baladweyne

Dagaal xooggan oo ka socda Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka aan saaka ka helayno Magaalada Baladweye ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in Saaka Magaaladaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay. Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Jabhadda la magac baxaday  Xaq u dirirka Hiiraan oo ah Jabhad hubeysan oo tiro dhowr jeer ah  dagaal la […]

- Advertisement -

Wararka aan saaka ka helayno Magaalada Baladweye ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in Saaka Magaaladaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay.

Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Jabhadda la magac baxaday  Xaq u dirirka Hiiraan oo ah Jabhad hubeysan oo tiro dhowr jeer ah  dagaal la gashlay Ciidanka dowladda ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa in wali dagaalku uu socdo.

- Advertisement -

Wararku waxaa ay sheegayaan in Jabhaddu ay Oroornimadii hore ee Saaka ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo aga-gaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Ciidanka Dowladda oo oo ka kooban Boolis, Nabad Sugid iyo Millatari ayaa la sheegay in ay isku dayeen in xaafadaha iyo goobaha muhiimka ah ay ka saaraan Jabhadda, balse waxaa dagaal xooggan kala hor yimid Malleyshiyaadka jabhadda oo ah ku aad u hubeysan, Magaaladana ka qabsaday goobo muhiim ah sida ay soo sheegayaan goobjoogayaal ku sugan magaalada baaldweyne.

Jabhadda ayaa si weyn kaga soo hor jeedda Maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana la filayay iin uu maanta Baladweyen uu ka dago Madaxweynaha cusub ee Maamulkaasi, balse waxaa si weyn kaga hor yimid jabhadda hubeysan ee la Magac-baxaday Xaq u dirirka Hiiraan, waxaana hadda ay tahay xaaladdu mid aad u kacsan.

- Advertisement -

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalkaas, balse lama xaqiijin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana dadka degaanku ay soo dheegayaan in aan la ogaan karin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Saaka, waxaana Cusbitaalada gaarka loo leeyahay ee Magaalada Baladweyne la dhigay dhaawacyo dagaalka kusoo dhaawacmay sida ay wararku tibaaxayaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories