HomeWararWasiirka Warfaafinta oo ka hadlay  Qarax Maanta oo kale lagu xasuuqay Arday...

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay  Qarax Maanta oo kale lagu xasuuqay Arday iyo Mas’uuliyiin

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wasiirka Warfaafinta XFS  Mudane Cusmaan Abokor Dubbe,ayaa manta ka hadlay xuska sanadguurada kow iyo tobnaad ee ka soo wareegatay xasuuqii ka dhacay Hoteel Shaamoow ee lala beegsaday dad ay ka mid yihiin Wasiirro,Dhaqaatiir,arday iyo marti sharaf kale. Wasiirka oo manta la hadlay Warbaahita Qaranka ayaa xusay in falkaasi lagu xasuuqay dadkaasi wax ku ool ah  […]

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta XFS  Mudane Cusmaan Abokor Dubbe,ayaa manta ka hadlay xuska sanadguurada kow iyo tobnaad ee ka soo wareegatay xasuuqii ka dhacay Hoteel Shaamoow ee lala beegsaday dad ay ka mid yihiin Wasiirro,Dhaqaatiir,arday iyo marti sharaf kale.

Wasiirka oo manta la hadlay Warbaahita Qaranka ayaa xusay in falkaasi lagu xasuuqay dadkaasi wax ku ool ah  uu ahaa mid naxdin leh oo taabtay guud ahaan quluubta shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dubbe ayaa xaqiijiyay in dadkii ka taliyay xasuuqaasi aysan gaarin wax faaiido ah,balse ay la kulmeen burbur iyo halaag,wuxuuna intaa raaciyay in qofkii dad xasuuqa isna uusan ka dambeyneyn .

Wasiirka Warfaafinta XFS  Mudane Cusmaan Abokor Dubbe,waxa uu ka dhawaajiyay in qarax kasta oo dhaca  uusan wax is-hortaag ah ku sameyn Karin  horumarka ka socda dalka,sidaa daraadeedna dadka iyo dalka ay awood u leeyihiin in ay horay ugu socdaan wadada ifineysa mustaqbalkooda.

Ugu dambeyntii Wasiirku,ayaa tacsi qaran u diray qoysaskii iyo asaxaabtii ay ka baxeen marxuumiintaasi,wuxuuna alle uga baryay in uu hooy uga dhigo janatul Fardowsa.

- Advertisement -

Maanta oo kale (3-da December) ee sandkii 2009 waa maalin dadka Soomaaliyeed aanan marnaba dareenkooda hilmaami doonin xasuuqii ka dhacay hotelka shamoow ee magaalada Mudisho oo ay ku nafwaayeen dad fabadan oo qeyb-ka ahaan indhaha bulshada Soomaaliyeed.

Dadkii ku shahiiday waxaa ka mid ahaa suxufiyiin, Arday, waalidiin, wasiirkii Caafimaadka Khamar Aadan Cali , Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Xasan Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah ee uu ka mid ahaa Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories