HomeWararWafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ku wajahan Baladweyne iyo ujeedka

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ku wajahan Baladweyne iyo ujeedka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ayaa la filayaa maanta in uu gaaro Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo dhawaanahaan ay ka taagnayd xaalad kacsanaan siyaasadeed ah. Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muqtaar Xuseen Afrax iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ay ku wajahan yihiin […]

- Advertisement -

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ayaa la filayaa maanta in uu gaaro Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo dhawaanahaan ay ka taagnayd xaalad kacsanaan siyaasadeed ah.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muqtaar Xuseen Afrax iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ay ku wajahan yihiin Magaalada Baladweyne oo xarun u ah Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Ujeedka Wafdiga ayaa waxaa la sheegayaa in ay tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya maamulka cusub ee Hir-shabeelle iyo Jabhadda dhawaan looga dhawaqay duleedka baladweyen ee dagaalka kula jirta maamulka Cusub ee uu hoggaamiyo cali Guudlaawe.

Wasiirka ayaa la sheegay in uu kulamo gooni gooni ah ka billaabi doono Baladweyne, waxaana si gaar ah uu ula kulmi doonaa waxgaradka iyo odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ka biya diidsan qaabka loo dhisay Maamulka Hir-shabeelle.

Waxaa sidoo kale la filayaa in haddii Wasiirku tago Baladweyne uu heshiis nabadeed u raadin doono Jabhadda la baxday Xoraynta Hiiraan iyo Maamulka Hir-shabelle.

- Advertisement -

Tan iyo markii la dhisay Maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen waxaa soo baxaayay Cabsho iyo qayladhaan xooggan oo ka imaanaysay bulshada reer Hiiraan, kuwaasi oo sheegay in aysan ku qanacsaanyn qaabka Awood qaybsiga Maamulka Hirshabeelle.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories