HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Dekedda Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Dekedda Muqdisho

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho oo kamid ah ilaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka. Ujeedka kormeerka ayaa ahaa sidii loo hubin lahaa adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u hayso dekeddu iyo in qiimeyn lagu sameeyo dhaqan galka heshiiskii lagu horumarinayay dekedda ee dhowaan ay kala […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho oo kamid ah ilaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa sidii loo hubin lahaa adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u hayso dekeddu iyo in qiimeyn lagu sameeyo dhaqan galka heshiiskii lagu horumarinayay dekedda ee dhowaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Shirkadda Alberak .

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno la xiriira howllaha socda ka dhageystay Wasaaradda iyo maamulka dekedda, waxayna warbixin guud ka dhiibeen adeegyada ay bulshada u hayaan, gaar ahaan isbadallada horumarineed ee qeybaha dekedda lagu sameynayo.

Eng. Rooble ayaa soo indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee dekedda, waxuna boggaadiyey shaqada socota ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo.

Kormeerka ayaa waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories