HomeWararMooshin laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntaland oo laguha la galay Xaalad ciidan

Mooshin laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntaland oo laguha la galay Xaalad ciidan

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wararka aan ka helayno Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa kusoo warramaya Ciidanka farabadan ay ka sooamba bexeen degmada kuwaasi oo la sheegay in ay kusoo wajahan yihiin  caasimadda Puntland ee Garoowe. Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidanku ay daacad u yihiin Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaasi oo Xildhibaanada Puntland ay ka keeneen […]

- Advertisement -

Wararka aan ka helayno Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa kusoo warramaya Ciidanka farabadan ay ka sooamba bexeen degmada kuwaasi oo la sheegay in ay kusoo wajahan yihiin  caasimadda Puntland ee Garoowe.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidanku ay daacad u yihiin Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaasi oo Xildhibaanada Puntland ay ka keeneen Mooshin ballaaran, iyagoo dalbaday in uu Xilka wareejiyo, maaddama uu ku fashilmay Guddoonka Baarlamaanka puntland sida ay shaaciyeen xildhibaanadu.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu Ciidanka dalbaday, waxaana haatan ay kusoo wajahan yihiin Garoowe sida ay sheegayaan warar hoose oo aan helayn, iyadoo tan iyo Xalay ay socdeen kulamo iska soo horjeeda oo ku aaddan Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha.

Xildhibaanada ayaa ku kala qaybsamay Mooshinka waxaana qaar ka mid ah ay la safteen Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, halka inta badan xilshibaanda ay qorsheynayaan sidii Mooshinku u hirgali lahaa xilkana lagaga tuurayo Guddoomiyaha oo ay horay uga dhawaajiyeen in uu fashilmay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories