HomeWararDoon ganacsi oo  ku  xiratey Dekedda Magaalada Hobyo

Doon ganacsi oo  ku  xiratey Dekedda Magaalada Hobyo

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Waxaa maanta ku soo xirtey Dekedda Hobyo Doonni ganacsi oo u rarnayd ganacsato reer Galmudug ah, taasi oo sidey xamuul iskugu jira Gawaari, Shidaal, cunooyin kala duwan iyo qalab dhismo ayaa waxaa dhammaantood lagu dejiyey iyada oo la isticmaalayo shactaro, wishash iyo agab kale oo loogu talo-galay howl-gelinta Dekedda KMG-ka ah. Doonidan ganacsi ayaa waxa […]

- Advertisement -

Waxaa maanta ku soo xirtey Dekedda Hobyo Doonni ganacsi oo u rarnayd ganacsato reer Galmudug ah, taasi oo sidey xamuul iskugu jira Gawaari, Shidaal, cunooyin kala duwan iyo qalab dhismo ayaa waxaa dhammaantood lagu dejiyey iyada oo la isticmaalayo shactaro, wishash iyo agab kale oo loogu talo-galay howl-gelinta Dekedda KMG-ka ah.

Doonidan ganacsi ayaa waxa ay bilaw u ahayd qorshihii howlgelinta Dekadda KMG-ka inta laga gaarayo dhismaha Dekadda Casriga ah oo aan rajaynayno in ay bilaabato bilawga sanadka soo socda Insha Allah.

- Advertisement -

wasiirka dekadaha iyo kaluumeysiga Galmudug Cabdisabir shuuriye oo saxaafada la hadlay ayaa yiri

Waxa aan u mahadcelinayaa ganacsatada Shirkadda Baraarug oo aaminay Dekeddan KMG-ah kuna dhiiraday in ay hantidooda galiyaan howshan bilawga ah, waxaa aan dhinaca kale codsi u diraynaa ganacsatada kale ee reer Galmudug in ay ganacsigooda deegaanada kale qeyb ahaan u soo wareejiyaan Dekedda KMG ah ee Hobyo, annaga oo maamul ahaan ku soo dhaweynayna Adeeg Hufan iyo dhiirigelin wanaagsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories