HomeWararQarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino ah oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Puntland, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Magaaladaas. Qaraxaas ayaa waxaa lala eegtay Bar koontarool oo ay ku sugnayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland ee ka howlgala Gaalkacyo, kuwaasi oo qaraxa […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino ah oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Puntland, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Magaaladaas.

Qaraxaas ayaa waxaa lala eegtay Bar koontarool oo ay ku sugnayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland ee ka howlgala Gaalkacyo, kuwaasi oo qaraxa kadib rasaas u furay dhowr jiro.

- Advertisement -

Dad ayaa soo weriyay in miinada lagu aasay laamiga dhinaciisa gaar ahaan meel aad u dhow Koontarool ay leeyihiin Ciidanka Booliska Maamulka, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaaro qaraxa.

Al-shabaab ayaa sheegtay in laba Askari oo kamid Ciidanka Booliska Puntland ay ku dhaawacmeen qaraxaas, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo, iyadoo la xusay in dhaawacyada ay yihiin kuwo fudud.

Laamaha amniga Magaalada Gaalkacyo ayaa weli wax war ah kasoo saarin qaraxii ka dhacay, hayeeshee falkaas ayaa kamid noqonaya falal amni darro oo horey uga dhacay Magaalada, ayna Mas’uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories