HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay Eedeysanayaal dhowr ah

Maxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay Eedeysanayaal dhowr ah

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maxkamadda dajarada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa bilowday dhageysiga dacwado kala duwan oo loo heysto Eedeysanayaal ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka. Ilaa iyo 9 Askari oo ka tirsan Booliska dowladda ayaa lagu eedeeyay ka tegis goob shaqo, amar diido, gadood Ciidan oo ka sameeyeen degmada Doolow ee Gobolka iyo inay dil […]

- Advertisement -

Maxkamadda dajarada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa bilowday dhageysiga dacwado kala duwan oo loo heysto Eedeysanayaal ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.

Ilaa iyo 9 Askari oo ka tirsan Booliska dowladda ayaa lagu eedeeyay ka tegis goob shaqo, amar diido, gadood Ciidan oo ka sameeyeen degmada Doolow ee Gobolka iyo inay dil u geysteen Askari kamid ahaa Ciidanka dowladda.

- Advertisement -

Ku-xigeenka xeer ilaaliyada Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa Maxkamadda ka dalbaday in 9-ka Eedeysane sharciga la marsiiyo, isla markaana kamid ah raggaas ee dilay Askariga lagu rido xukun dil toogasho ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle oo fadhiga Maxkamada soo xiray ayaa sheegay in Go’aanka eedeysanayaasha dib laga shaacin doono.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa maalmo kahor xukuno kala duwan ku dilay rag ka tirsan Ciidanka dowladda oo degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dilay Gabar dhalinyaro  aheyd oo lagu magacaabi jiray Ismahaan Bakaal.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories