HomeWararMas’uul ka tirsanaa Somaliland oo geeriyooday iyo Muuse Biixi oo ka hadlay

Mas’uul ka tirsanaa Somaliland oo geeriyooday iyo Muuse Biixi oo ka hadlay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa habeenkii xalay aheyd ku geeriyootay Agaasimihii hore ee samafalka Madaxtooyada Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Marxuumad Aamina Maxamuud ay ku xanuunsaneysay Isbitaalka, hayeeshee xalay ayey u geeriyootay, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Eheladeeda iyo Mas’uuliyiinta Somaliland. Madaxweynaha Somaliland […]

- Advertisement -

Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa habeenkii xalay aheyd ku geeriyootay Agaasimihii hore ee samafalka Madaxtooyada Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Marxuumad Aamina Maxamuud ay ku xanuunsaneysay Isbitaalka, hayeeshee xalay ayey u geeriyootay, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Eheladeeda iyo Mas’uuliyiinta Somaliland.

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay geeridii ku timid Aamina Diiriye, wuxuuna tacsi u diray haween-weynaha deegaanada maamulka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta ay ka dhimatay Marxuumad Aamina.

“Waxa uu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida marxuumada dhammaan haween-weynaha Somaliland kana mid ahayd haweenka uga faa’iideeyey wakhtigooda iyo aqoontooda, iyadoo muddo dheer ku soo dhex jirtay siyaasada iyo arrimaha bulshada, xilal kala duwana ka soo qabatay xukuumadihii kala danbeeyey” ayaa lagu soo kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi.

Marxuumad Aamina Maxamuud Diiriye ayaa mar soo noqotay Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Somaliland, waxaana xalay ay ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories