HomeWararLafta-gareen oo Amaro dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Gobolada K/Galbeed

Lafta-gareen oo Amaro dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Gobolada K/Galbeed

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa amaro Culus ku dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo kuwa Gobolada Maamulkaas. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in Guddoomiye degmo kasta  iyo kuwa Gobolada Koonfur Galbeed looga baahan yahay in muhiimada koowaad siiyaan sidii loo sugi lahaa amniga degmooyinka iyo Gobolada oo aysan ka dhicin falal amni darro. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa amaro Culus ku dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo kuwa Gobolada Maamulkaas.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in Guddoomiye degmo kasta  iyo kuwa Gobolada Koonfur Galbeed looga baahan yahay in muhiimada koowaad siiyaan sidii loo sugi lahaa amniga degmooyinka iyo Gobolada oo aysan ka dhicin falal amni darro.

- Advertisement -

Waxaa kale oo uu Lafta-gateen amray Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo kuwa Gobolada inay bilaaban qaadista lacagta Canshuurta, si sanadkaan daqliga maamulka uu isbede ugu yimaado, iyadoo dadka dhibaato loo geysan, lagana qaadayo oo kaliya Canshuur, isagoo uga digay in la musuq-maasuqo Canshuurtaas.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha ayuu faray Mas’uuliyiinta inay joojiyaan is hor istaagta lagu sameeynayo Hay’addaha kala duwan ee Mashaariicda horumarineed ka fulinaya degmooyinka K/Galbeed, wuxuuna caddeeyay in arrintaas aan la aqbali doonin.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Mas’uuliyiinta uu la kulmay kula dardaarmay inay yeeshaan wadashaqeyn iyo is dhex-gal, isla markaana aan la dhibaateyn shacabka degmooyinka ay Mas’uulka ka yihiin kunool.

- Advertisement -

Hadalkaan ayuu Cabdicaiis Lafta-gareen ka sheegay shirweyne wadatashi ah oo muddo shan maalmood Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uga socday Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo kuwa Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories