HomeWararHirshabeelle oo wada qorshe lagu xalinayo tabashooyinka Doorashada

Hirshabeelle oo wada qorshe lagu xalinayo tabashooyinka Doorashada

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan gaar la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay hadalnay dardargalinta Hormarinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle iyo sidii looga shaqeyn lahaa isku keenida dadka looguna saameyn lahaa dib u heshiisiin. […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan gaar la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay hadalnay dardargalinta Hormarinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle iyo sidii looga shaqeyn lahaa isku keenida dadka looguna saameyn lahaa dib u heshiisiin.

- Advertisement -

Guddoomiye Luqmaan iyo Yuusuf Daba-geed ayaa ka wada hadlay sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii ka dhashay Doorashadii ka dhacay Jowhar ee uu ksoo baxay Madaxweyne Cali Guudlaawe oo siweyn dadka degan Baladweyne uga soo horjeedan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in labada Mas’uul isla garteen in si dhaqsi ah loo bilaabo qorshe lagu xaliyo tabashooyinka ka dhashay doorashada, ayna la fariisan doonaan cid kasta, isla markaana Guddoomiyaha uu bilaabo kulamo la qaadanayo Bulshada Baladweyen.

Kulanka u dhexeeyay Madaxweye ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed iyo Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulkaas, Xildhibaano iyo Wasiiro.

- Advertisement -

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Mgaalada Baladweyene ka dhacaayay banaanbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dhismaha Hirshabeelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana banaanbaxyada qaarkood loo xiray dad badan.

Dhinaca kale duleedka Baladweyne ayaa waxaa ku sugan Ciidamo maleeeshiyaad ah oo uu wato Gen. Abuukar Warsame Xuud oo sheegay inuu siweyn uga soo horjeedo doorashadii Jowhar iyo Cali Guudlaawe, isla markaana Madaxweynaha uusan imaan karin Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories