HomeWararGaadiid badan oo ku xayiran degmo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Gaadiid badan oo ku xayiran degmo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Gaadiidka waaweyn ee ah kuwa nooca xamuulka qaado ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku xiran yahay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyso halkaas. Dadka deegaanka ayaa ku warramay in gaadiidka xayiran ay yihiin kuwa ka shaqeeya inta u dhexeeysa Hiiraan ilaa iyo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana […]

- Advertisement -

Gaadiidka waaweyn ee ah kuwa nooca xamuulka qaado ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku xiran yahay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyso halkaas.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in gaadiidka xayiran ay yihiin kuwa ka shaqeeya inta u dhexeeysa Hiiraan ilaa iyo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana gaadiidleyda ay ka cabanayaan Canshuur badan oo looga qaado Matabaan.

- Advertisement -

Mid kamid ah Darwalada Gaadiidkaan oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Galmudug Canshuur uga qaado gudaha Matabaan, isla markaana xubno kale oo sheeganay inay ka tirsan Hirshabeelle ay ka qaadan Canshuur kale.

Gaadiidleyda ayaa tilmaamay in aysan awood badan u laheyn inay bixiyaan lacagta Canshuurta ah ee labada meel looga qaadayo, iyagoona qaar kamid ah gaadiidleyda ay sheegeen inay Canshuurta usii dheer tahay kuwo looga qaado Isbaarooyin.

Dhowr jeer oo horey sidaan oo kale dhacday in gaadiid kuwa nooca xamuulka qaado ah oo siday shixnad kala duwan lagu xayiray deegaano ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug, wallow markii dambe lasii daayay, kadib dadaalo la sameeyay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories