HomeWararCutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab oo Tababar loo soo xiray

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab oo Tababar loo soo xiray

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Munaasabad lagu qabtay xerada Bali-doogle ayaa waxaa tababar heerkiisu sarreeyo loogu soo xiray cutubto ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Danab, waxaana ciidankaan tababarka usoo xiray  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Raage. Tababarkaan oo gacan ay ka geysatay dawladda mareykanka ayaa socday muddo dheer, waxaana bixinayey macalimiin katirsan […]

- Advertisement -

Munaasabad lagu qabtay xerada Bali-doogle ayaa waxaa tababar heerkiisu sarreeyo loogu soo xiray cutubto ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Danab, waxaana ciidankaan tababarka usoo xiray  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Raage.

Tababarkaan oo gacan ay ka geysatay dawladda mareykanka ayaa socday muddo dheer, waxaana bixinayey macalimiin katirsan kumaandooska Danab, iyaddoo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa uu salaan sharaf ka  qaatay ciidankaan sida gaarka ah loo tababaray.

- Advertisement -

Waxay soo bandhigeen Ciidankaan dhoola-tus heerkiisu sareeyo, kaasi oo ay kamid ahaayeen habka cadawga loo beegsado, difaacu nafsiga, waxaana  sidoo kale ay soo bandhigeen dabrid iyo hababka kale ee dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaan kumaandooska ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada lagula dagaalamayo Alshabaab.

“Waxaan u mahadcelinayaa Macalimiinta waqtiga dheer geliyay Cutubyadaan, kuwaas oo soo bandhigay xirfad aad u sareysa oo ku saabsan dhanka tababarkooda, Tani waa bilawga waajibaadkeena iyo wadiiqadii aanu ku gaari laheyn hadafkeena, waxaa idiin furmay albaabkii koowaad ee aad ka geli laheydeen Hawlgallada socda ee looga dulqaadayo cadawga Dalkeena. Waxaan idiin rajeynayaa guul, caafimaad iyo in aad noqotaan kuwii xaqiijiyo Hiigsiga Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage .

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories