HomeWararAxmed Madoobe oo sheegay inay Al-shabaab culeys soo saareen Jubbaland

Axmed Madoobe oo sheegay inay Al-shabaab culeys soo saareen Jubbaland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Xaalada amaanka ee deegaanada maamulkiisa iyo dilal qorsheyn oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Kismaayo  ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose iyo deegaano kale. Waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay culays soo saareen deegaanada Jubaland, isla markana ay fuliyeen falal amaanka lid ku ah, isaga […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Xaalada amaanka ee deegaanada maamulkiisa iyo dilal qorsheyn oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Kismaayo  ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose iyo deegaano kale.

Waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay culays soo saareen deegaanada Jubaland, isla markana ay fuliyeen falal amaanka lid ku ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in shacabku ay laba jibaaran wada shaqaynta kala dhexeeysa hay’adaha amniga.

- Advertisement -

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in marnaba Maamulka uusan ogolaan doonin dadka heysta hubka sharci darrada ah, wuxuuna Carabka ku dhuftay in tallaabo adeg laga qaadi doono cidii lagu qabta hub sharci darro.

Dhamaan Bulshada ayuu Madaxweynahu kala dardaarmay khatarta qabyaalada isagoo xusay in Midnimo lagaga gudbi karo caqabadaha taagan, wuxuuna ugu baaqay dhamaan shacabka Jubbaland inay gacmaha is qabsadaan.

Hay’adaha Dowlada ayuu Axmed Madoobe sheegay in ay doorkooda qaatan oo wacyi galinta bulshada ay xooga saaran, isagoo xusay in qaar badan oo shacabka kamid ah lagu marin habaabinayo waxyaabo aan sal iyo raad lahayn oo qabyaaladu ay ugu weyntahay.

- Advertisement -

Si kastaba hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dilal qorsheysan ay ka dhaceen Magaalada Kismaayo iyo deegaano kale, wuxuuna hadalkaan ka sheegay Munaasabad ka dhacday Kismaayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories