HomeWararWafdi ka socda Hirshabeelle oo ku wajahan Magaalada Baladweyne

Wafdi ka socda Hirshabeelle oo ku wajahan Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wafdi ka socda dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Wafdiga Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa waxaa la sheegay inay kamid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale, iyagoona la filayo in saacadaha soo socda ay tegaan halkaas. Warar […]

- Advertisement -

Wafdi ka socda dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa waxaa la sheegay inay kamid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale, iyagoona la filayo in saacadaha soo socda ay tegaan halkaas.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedkooda uu yahay sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar iyo dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay qabaan dadka degan Hiiraan.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in kulamo kala duwan la qaatan maamulka Magaalada, Odayaasha iyo qeybaha Bulshada, iyagoona kala hadlay tabashada ay ka qabaan dhimsha maamulka iyo arrimo kale.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baladweyne ka dhacayay banaanbaxyo rabashado watay oo looga soo horjeeday Hirshabeelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoona xusid mudan tahay in banaanbaxayada dad loo xiray.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhowr mar ka baaqda safar uu ku tegi lahaa Baladweyne oo si weyn looga soo horjeedo isaga, waxaana halkaas ku sugan Madaxweyne ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Duleedka Baladweyne ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Maleeshiyaad ah oo uu wato Generaal lagu magacaab Abuukar Warsame Xuud, wuxuuna sheegay inay kasoo horjeedan doorashii Cali Guudlaawe, isla markaana arrintaas ay tabasho ka qabaan, iyadoona Ciidanka dowladda ay weerar xoogan ku qaadeen Sarkaalka iyo Ciidankiisa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories