HomeWararNin Miino ku aasayay xaafad ka tirsan Muqdisho oo la toogtay

Nin Miino ku aasayay xaafad ka tirsan Muqdisho oo la toogtay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ciidanka amniga Booliska dowladda Federaalka ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa saqdii dhexe ee xalay ee xaafad ka tirsan degmadaas ku toogtay Nin doonayay inuu miino ku aaso wadada. Ninka oo watay miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay inuu doonayay inuu ku aaso waaxda horseed laanteeda Nationka ee degmada Warta-nabadda […]

- Advertisement -

Ciidanka amniga Booliska dowladda Federaalka ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa saqdii dhexe ee xalay ee xaafad ka tirsan degmadaas ku toogtay Nin doonayay inuu miino ku aaso wadada.

Ninka oo watay miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay inuu doonayay inuu ku aaso waaxda horseed laanteeda Nationka ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka, hayeeshee Ciidanka ay arkeen, isla markaana durbo toogasho ku dilay.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Warta-nabadda Seynab Xaabsey oo la hadashay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka amniga degmada ay ka hortegeen Ninaas doonayay inuu miino ku waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed.

Laamaha amniga ee guuleystay ka hortega falkaas ayey Guddoomiye Seynab Xaabsey u mahadcelisay, waxaana shacabka degmada Warta-nabadda ugu baaqday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro.

Habeeno kahor ayay aheyd markii degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir lagu qabtay Nin weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku weeraray saldhig degmadaas, isagoo isku dayay inuu baxsado, hayeeshee gacanta lagu dhigay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories