HomeWararMusharaxiinta oo ka digay khilaaf Cusub oo dhex-gala DFS iyo Jubbaland

Musharaxiinta oo ka digay khilaaf Cusub oo dhex-gala DFS iyo Jubbaland

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho, iyadoona looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka. Afhayeenka midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Ridwaan Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in kulamada ay ahaayeen kuwo la isgaa xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka tan […]

- Advertisement -

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho, iyadoona looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Afhayeenka midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Ridwaan Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in kulamada ay ahaayeen kuwo la isgaa xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka tan iyo markii  War-murtiyeedka laga soo saaray shirkii shanta maamul u socday Musharaxiinta.

- Advertisement -

Afhayeen Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay inay joogteyn doonaan kulamada si ay u ogaadan fulinta Go’aamadii iyo baaqyadii kasoo baxay shirkoodii oo ay u direen Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Isaga oo sii hadlaayay waxaa uu tilmaamay inay mar walba la hadlaan Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Beesha Caalamka, iyagoona kala hadla sidii dalka ugu dhici laheyd doorasho xor oo ku dhacda waqtigii loogu tala-galay.

Sidoo kale Afhayeenka midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in kulan gaar ah la qaateen Madaxweyne Qoorqoor ayna u gudbiyeen Go’aamadii iyo baaqyadii kasoo baxay shirkoodii, kuwaasi oo ku aadan doorashada dalka dhaceysa.

- Advertisement -

Waxaa kaloo Afhayeenka uu Carabka ku dhuftay inay doonayan in doorashada ku dhacdo waqitgii loogu tala-galay, wuxuuna xusay inay maqlayeen hadalo keeni kara in khilaaf Cusub uu soo kala dhex galo DFS iyo Jubbaland, iyagoona ka digay arrintaas.

Ugu dambeyn musharaxiinta ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay inay xooga saarto amniga Magaalada Muqdisho oo habeeno kahor uu ka dhacay qarax khasaaro geystay, isla markaana hor tebin siiso sugida amniga Caasimadda dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories