HomeWararMas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo diyaarad kula Ciladooday Hawada sare

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo diyaarad kula Ciladooday Hawada sare

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta diyaarad ay saarnaayeen cilad ku qabsatay Hawada sare, xili ay kusii jeedeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed oo isugu jiray Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan ayaa saakay ambabaxay Garoonka diyaaradaha Jowhar, hayeeshee xili diyaarada ay […]

- Advertisement -

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta diyaarad ay saarnaayeen cilad ku qabsatay Hawada sare, xili ay kusii jeedeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed oo isugu jiray Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan ayaa saakay ambabaxay Garoonka diyaaradaha Jowhar, hayeeshee xili diyaarada ay hawada ku jirtay ayaa waxaa ka ciladoobay mid kamid ah Matooradeeda.

- Advertisement -

Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in diyaarada oo leedahay Shirkada SOM EXPRESS uu matoorka ka halaabay, xili ay ku dhaweyd Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Kheyre oo kamid ahaa wafdiga ayaa waxaa uu tilmaamay in gebi ahaan Matoorka uu halaabay, kadibna duuliyihii waday diyaarada uu wafdiga ku wargeliyay in diyaarada ay cilad qabsatay, isla markaana ay ku laabanayaan Magaalada Muqdisho.

“Garoonka Casimada dowlad goboledka Hirshabelle ee jowhar ayaan ka raacnay diyarada nuuceda tahay Fokker 50(50Qaad) oo eey lee dahay Shirkada SOM EXPRESS waxeyna aheeyd ineey nageeso magalada Baladweyne oo uu ahaa ujeedka safarkena inaan halkaas tagno. Xili aan ku dhaween magalada Baladweyne qiyaastiina aan ujirno wax kayar 10daqiiqo ayaa waxaa naga damay matoor kamid ah 2badii matoor eey diyaarada ku shaqeenesay sida kaaga muuqato muuqaalka hoose, markii eey ciladaas dhacday waxaan fileenay in halka matoorka ee inoo shaqeenayo aan ku tagi karo Baladweyne maada eey aad inooga dhaweed lkn nasiib daro duulayihii diyaarada ayaa ku adkeestay inuu naga dajiyo garoonka magalada muqdisho oo qiyaastii safar ahaan qaadaneso inaan tagno 50daqiiqo, nasiib wanaag ilaahey wuu nagu nabad keenay halkii matoor muqdisho Alxamdulilah” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Kheyre.

- Advertisement -

Ujeedka wafdiga ka socday Hirshabeelle ee kusii jeeday Magaalada Baladweyne ayaa waxaa  sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar iyo dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay qabaan dadka degan Hiiraan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories