HomeWararAskari ku dilay Magaalada Muqdisho xaaskiisa (Akhriso Dhacdo Naxdin leh)

Askari ku dilay Magaalada Muqdisho xaaskiisa (Akhriso Dhacdo Naxdin leh)

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Faah faahino ayaa laha helayaa Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo gelinkii dambe ee shalay Magaalada Muqdisho ku dilay xaaskiisa uu qabay, sida aan wararka helnay. Lamaanahan ayaa sanad kayar wada noolaa, waxa uuna dilka ka dhacay xaafad aan aheyn mida ay kunoolaayee, kadib markii Gabadha gurigeeda oo ku yaalla degmada Dayniile uga […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laha helayaa Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo gelinkii dambe ee shalay Magaalada Muqdisho ku dilay xaaskiisa uu qabay, sida aan wararka helnay.

Lamaanahan ayaa sanad kayar wada noolaa, waxa uuna dilka ka dhacay xaafad aan aheyn mida ay kunoolaayee, kadib markii Gabadha gurigeeda oo ku yaalla degmada Dayniile uga tagtay dagaal ay la gashay haween kale oo la sheegay inay ehel ahaayeen.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga oo damcay in xaaskiisa uu dib ugu celiyo gurigeeda dagaalkii ay gashay kadib, balse waxaa goobta ka bilowday muran dheer oo dhex maray Askariga iyo xaaskii uu qabay, isagoona markii dambe Madaxa ka toogtay.

Dad kusoo baxay muranka ayaa sheegay in Askariga oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya uu goobta isaga tegay, waxaana halkaas Meydka gabadha ka qaaday dad goobta ka agdhawaa.

Marxuumada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sahra Cusmaan, waxaana Askariga falka geystay oo magacaabiisa lagu sheegay Axmed Cabduqaadir ( Axmed Jareere) uu Gabadha qabay wax kayar sanad.

- Advertisement -

Dhadadaan ayaa laga hadal hayaa degmada deyliine ee Gobolka Banaadir, waxaana dadka qaarkood ay sheegeen inay argagax badan ku beertay falkaas, iyadoona dilalka nuucan oo kale muddooyinkii dambe ay ku soo badanayeen gudaha Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories