HomeWararAfhayeenkii hore ee Aqalka Sare Itoobiya oo is dhiibtay iyo sababta keentay

Afhayeenkii hore ee Aqalka Sare Itoobiya oo is dhiibtay iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidanka dowlada Itoobiya isku dhiibtay Afhayeenkii hore ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya ee loo yaqaan house of federation. Keria Ibrahim ayaa xilka iska casishay 9-kii June ee sanadkan kadib markii ay ka saluugtay dib u dhigii doorashada Itoobiya ee lagu waday in ay dhacdo bishii August […]

- Advertisement -

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidanka dowlada Itoobiya isku dhiibtay Afhayeenkii hore ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya ee loo yaqaan house of federation.

Keria Ibrahim ayaa xilka iska casishay 9-kii June ee sanadkan kadib markii ay ka saluugtay dib u dhigii doorashada Itoobiya ee lagu waday in ay dhacdo bishii August sanadkan taas oo loo arko in ay ahayd ubucda qilaafka dowlada dhexe iyo TPLF.

- Advertisement -

Ciidanka dowladda Federaalka ee dalkaas iyo kuwa Ismaamulka Tigree-ka ayaa dhex-maray dagaalo xoogan oo socday saddex todobaad oo xiriir ah, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac darran iyo khasaaro hantiyadeed.

Sidoo kale Ciidanka Itoobiya ayaa Tigree-ga ka qabsaday Caasimadooda ee Mekelle iyo magaalooyin kale oo ay gacanta ku haayeen, kadib markii uu dhacay dagaal lagu hoobtay.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in lasoo afjaray howlgalkii sharciga ahaa ee lagu qaaday Tigree-ga, wuxuuna tilmaamay in xubno farabadan laga qabsaday Ismaamulkaas, in kastoo uusan weli wax war ah kasoo bixin Hoggaanka TPLF.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories