HomeWararTPLF oo sheegatay inay soo rideen diyaarad dagaal

TPLF oo sheegatay inay soo rideen diyaarad dagaal

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ciidamada TPLF ee gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad militari, islamarkaana ciidamada federaalka dib uga qabsadeen magaalo, Axaddii. Sheegashadooda ayaa imaneysaa ayada oo weli dagaalka gobolka uu socda xilli ay dowladda sheegtay Sabtidii inuu dhammaaday, kadib markii ciidamadeeda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle. Weli ma jirto […]

- Advertisement -

Ciidamada TPLF ee gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad militari, islamarkaana ciidamada federaalka dib uga qabsadeen magaalo, Axaddii.

Sheegashadooda ayaa imaneysaa ayada oo weli dagaalka gobolka uu socda xilli ay dowladda sheegtay Sabtidii inuu dhammaaday, kadib markii ciidamadeeda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle.

- Advertisement -

Weli ma jirto jawaab ay dowladda ka bixisay sheegashadan, oo uu ku dhowaaqay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, kaasi oo farriin qoraaladeed u diray wakaaladda wararka Reuters.

Sheegashooyinka dhinacyada isku haya gobolka Tigray ayey adag tahay in la xaqiijiyo, maadaama taleefonada iyo qadka Internet-ka ee gobolka Tigray uu go’anaa ama aad u xadidnaa, tan iyo markii dowladda ay ku dhowaaqday dagaalka, 4-tii November.

Abiy ayaa habeenkii Sabtida sheegtay in ciidamada dowlkadda ay qabsadeen caasimadda Mekelle. Wuxuu sidoo kale wacad ku maray inay soo xiri doonaan oo ay cadaaladda horkeeni doonaan “dambiilayaasha” TPLF.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion ayaa Reuters u sheegay in inkasta oo ay ka baxeen magaalada Mekelle, haddana ay sii wadi doonaan inay dagaalamaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories