HomeWararSomaliland oo Muqdisho u soo musaafurisay Musharax Mustaf Dhuxulow

Somaliland oo Muqdisho u soo musaafurisay Musharax Mustaf Dhuxulow

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay lagu xiray xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa ayaa saaka laga siidaayay xabsiga. Warar la helayo ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay Musharax Xildhibaan Dhuxulow u soo musaafurisay Magaalada Muqdisho, isagoona Garoonka diyaaradaha Cigaal kasoo raaci doona diyaar, soona gaaraya […]

- Advertisement -

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay lagu xiray xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa ayaa saaka laga siidaayay xabsiga.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay Musharax Xildhibaan Dhuxulow u soo musaafurisay Magaalada Muqdisho, isagoona Garoonka diyaaradaha Cigaal kasoo raaci doona diyaar, soona gaaraya Caasimadda dalka ee Muqdisho.

- Advertisement -

Ciidanka amniga Garoonka Hargeysa ayaa shalay Mustaf Dhuxulow ka qabtay gudaha  Garoonka, kadib markii uu ka degay diyaar uu la socday, isla markaana sidaas xabsiga lagu dhigay Musharaxa oo markii horey la sheegay inuu taransad ahaa.

Ujeedka socdaal Musharax Dhuxulow ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa Casuumad uu ka helay Madax ka tirsan Hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka, sidaasina uu ku tegay halkaas.

Sidoo kale Musharaxa Madxweyne ee Dhuxulow ayaa watay Baasabooka dowladda Ingiriiska markii uu ka dagayay Garoonka diyaaradaha Cigaal International ee Magaalada Hargeysa, isla markaana ay qabteen Ciidanka amniga oo markii dambe geliyay xabsi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories