HomeWararPuntland oo fulisay howlgal lagu burburiyay goobo Dhuxul lagu shidayay

Puntland oo fulisay howlgal lagu burburiyay goobo Dhuxul lagu shidayay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Maamulka Puntland ayaa deegaano dhowr ah oo hoostega degmada Isku shuban ee Gobolka Bari ka bilowday howlgal lagula dagaalamayo dadka ka Ganacsada jarista dhirta ee laga sameeyo dhuxusha la shito. Howlgalkaas oo hoggaaminayay Taliyaha qeybta Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu burburiyay […]

- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa deegaano dhowr ah oo hoostega degmada Isku shuban ee Gobolka Bari ka bilowday howlgal lagula dagaalamayo dadka ka Ganacsada jarista dhirta ee laga sameeyo dhuxusha la shito.

Howlgalkaas oo hoggaaminayay Taliyaha qeybta Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu burburiyay goobo ay dad ka Ganacsada jarinta dhirta ku shidayeen Dhuxusha.

- Advertisement -

Taliye Xuseen Cali ayaa sheegay in cabashooyin badan ay uga yimideen dadka degan deegaanada laga jaro dhirta, kadibna iyaga oo ka Jawaabayay ay qaadeen howlgal lagu burburinayay goobo lagu shidayay dhuxusha, isla markaana laga fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha qeybta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa digniin adeg u diray dadka ka Ganacsada jarista dhirta iyo dhuxusha, wuxuuna sheegay in cidii lagu qabto arrintaas tallaabo sharci laga qaado doono, isagoona u digay dadka.

Howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si wadajira h u fuliyay Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Bari iyo kuwa ilaalada Madaxtooyada Maamulka Puntland, iyagoona tilmaamay in howlgalka uu sii socon doono.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories